INTELLIGENT GIRL

 Sheekadi afar tiina maan laawoow kacaha !



Beri ayaa wiil dhalin yaro ah oo geel jire ahaa oo war faa la odhan jiray ,oo xoolaba boqol halad mahe wax kale uwahelin,waxaa uu jeclaaday gabar la oran jiray baxsan.gabadhii waxa uu lahaasaaweba,habeenkii danbe ayuu damcay in uu labaxo,sida ay ku dhaqmaan reer baadiyaha badan koodu.

Gabadhi aya usheegtay wiilkii dhalin yarada ahaa ee warfaa in uu aa baheed weydiisto oo uu usoo geed fariisto,  labixid iyo howshaana anay kujirin.haye buu dhahay ninki warfaa ahaa ,oo gabadha jacaylkeedu derderay,ayaa tolkisi iyo walidkiis  utegay ,kuna dhahy hala ii doono ina geele . Odayaasho sida caadada ahayd waxay usoo geed fariisteen gabadhii wacanayd ee baxsan ahyd.markii wax walba laysku fahmay ayaa odaygii geele ahaa ee baxsan abaheed ahaa,waxa uu dhahay ,gabadhi weyga bixis (100 halad ,baarqabkoodi iyo qori maadhiina ayaaa idinka xiga) oo uu ka wado yaradka gabadha lagabixiyo.odayaashi intay xanaqen oo ayey gogoshi ku kala kaceen.iyaga oo kaxun boqolka halad ee lagu xidhay gabadha 

NB( waagii hore hablaha ninka awood 100halad iyo kabadanba wuu kabixin jiray.)

Wiilki ayey gaar ulahadleen waxan ay ku dhaheen xolo boqol kasad ledahee,orod dono gabar kale ,ninki warfaa haa oo an indho kale lahyn aan baxsan ahyn ayaa yiri gabadhas mahee mid kale lama aqal tago.

Isaga oo aan cid na ogayn cidnana lasocon ayuu aroor barqo ah (100ki gela aha e u xolo kalahaa ,barqabkodi iyo qorigi madhinka ahaa waxa uu soo tumay gurigii geele.)

Odaygi geele ahaa marki uu xolihi kala wareegay ninki warfaa ahaa ayuu gabadhi baxsan ahayd farta kasaaray.

Ogoow oo tolkiis waka xanaaqsan yahy oo gurigii abahiis kuma laaban karo.

Wiilkii iyo gabadhi waa israacen waxan ay degeen meel kafog degankodii, wiilku ilaa rer xola haysta mahee aroortii ayuu ugaadhsi taga galabtiina wuu soo hoydaa isaga oo wixi allh siiyo horay usoo qaata. Galab galbaha kamida ayaa waxa rerki warfaa usoo hoyday odaygi geele aha ee gabadha abaheed ahaa, rerkuna galabtaa waxba masoo helin deerona ha ahaatee.gabadhi baxsan ahayd oo kanaxsan wax la aanta iyo martida ujoogta ayaa waxa ay utagtay nin ugaarsato ah oo ay deris ahaayeen. Oo ladhihi jiray juxe waxana ay kutiri ,juxe wll marti baa ijogta e cawa waxan casho uga dhigo isii sii .ninki isaga ahaa ayaa dhahay waan  kusiin bishardi (inan adiga ku helo  marka aad so dhamayso cashada.)maxuma ayey dhahday e bal isii sii hada waa la ii fadhiyaaye.

sidii bay kusoo qadaty xabadii deerada ahayd.

Intii ay dabka saar nayd ayaa waxaa raagsaday ugaar sadihii ,ilayn waa nin wax loo balan qadee gurigi gabadha buu yimi isaga oo iska dhigaya nin soo booqday.sadexdii nin cashadii iyaga oo sugaya ,ayey gam een (luloodeen).

Gabadhi baxasan ahayd markii ay cashadi soo diyaarisay ayey dultimi sadexdii nin oo hurda. Dabadeed waxa ay ku tiri (sadexdiina maan laa woow kaca!).

Yaad sheegaysaa bay dheheen:

Maan laawaha koowaad waa aabahay bay tiri:nin xoolaba boqol halaad kalahaa oo boqolkii haladba uu ka qaatay ayuu soo martiyey(muxu ku og yahy oo uu haysta).

Maan laa waha labaad waa nin kayga (naag buu 100 halaad kabixinaya beri kamaalin katagi karta ).

Maan lawaha sadexaad waa juxe (ugaadhsadihii) waxa ay tiri naag (100 halaad iyo qori maadhina laga bixiyey ayaad rabtaa inaad siyar ku hesho). Halkii ayey ku kala kaceen ragii.


NB :Boqolka geela waxaa looyaqaanaa (kadin)

Comments

Popular posts from this blog

A STORY OF A BOY AND A GIRL

amazing story

BENEFITS OF THE NUTS